LASOCD ABAAR
Soomaaliya waxay si gaar ah ugu nugushahay abaaro, waxaa badanaa ugu wacan goob joqraafiyeedkeeda, deegaanka oo u jilicsan, cimilada isbedbedsha iyo xasilloonidarrada siyaasadeed gudaha dalka ka jirta. Abaaruhu waxay saameynno musiibooyin ba’an ku reebeen bulshooyin Soomaaliyeed. Waqtiyadii dhawaa, abaaro ba’an waxay Soomaaliya ka dhaceen sanadihii 1964, 1969, 1074, 1987, 1988, 2000, 2001, 2008, iyo 2011. Tirada dadka ay wax u geysteen ma aha wax lagu kalsoonaan karo oo waa iskhilaafsan tahay oo waxay ku xiran tahay ilo xog kala duwan laga helay. Xaqiiqdaan, marka lagu daro sababo kale, waxaa
SWALIM waxay abaar kala sconaysay gudaha Soomaaliya tan iyo aasaaskeedii. Tan waxaa ku jira lasocodka roobka da’a iyo samayn falanqeyno si loo tilmaamo haddii ay jiraan xaalado abaareed. Sanadkii 2010, SWALIM waxay soo saartay aalad loo adeegasado cabbirid abaar, Isugen Abaar Taxane (the Combined Drought Index (CDI)). Waa taxane tirakoob isbarbardhigaya xaalado jawi-roobaad (Hydro-meteorological) jira iyo sifaalihii celceliska waqti-dheer ee muddo xilliile isku mid ah. Hannaanku wuxuu muujinayaa bedka / masaaxadda ama xaalado baahsanaan goobo abaar ah gudaha dalka, heerar u dhexeeya roon iyo xad-dhaaf. Sharaxaad faahfaahsan oo taxanaha (index) iyo qaab xisaabeed waaqici ah waxaa lagu fasirey buug-yaraha CDI manual.
Combined Drought Index Manual