Diirad Saar

Isticmaalka khariidadda nool/xayiga ah ee helitaanka macluumaadka ilaha biyaha ee ka jawaabidda abaarta

Soomaaliya waxay la kulmaysay mid ka mid ah xaaladaha abaarta ugu daran muddoyinki dhawaa ee la soo dhaafay, ka dib markii xilliyo isku xigxiga ay roobabku liiteen guud ahaan dalka. Qaybo badan oo dalka ka mid ah waxay la kulmeen biyo yaraan ba’an iyo hoos u dhaca weyn oo ku yimid sugnaanta cuntada. Sidaas darteed, hay'adaha bani'aadamnimadu waxay kordhiyeen waxqabadyada tan iyo bilowgii sanadka si ay uga jawaabaan abaarta oo ay uga hortagaan macaluul ka dhacada dalka/iyadoo laga jawaabayo abaarta jirta, hay'adaha bani'aadamnimadu waxay kordhiyeen waxqabadyo degdeg ah si looga hortago macaluul dhacda.

Meelaha Garanwaagu qabsaday ee Soomaaliland

Garanwaaga/Cali-garoob waxaa markii ugu horreysay horraantii 1950-naadkii Soomaaliya soo geliyey aagga tuulada Bullaxaar oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed ee galbeedka Berbera nin dhir-beere ahaa oo Ingiriis ah oo lagu magacaabi jirey Mr. Dawson oo ka shaqaynayey mashruuc dhirayn ah, si loola dagaallamo nabaad-guurka, dabeylo siigada ah iyo dhaqdhaqaaqa ciid bacaadka ah (Ahmed Ibrahim Awale & Sugulle, A. Jama, Faafidda Prosopis juliflora ee Somaliland, (2006), Candlelight). Mar kale oo dambe 1970-naadkii iyo 1980-naadkii ayaa Ururada Caalamiga ah waxay soo geliyeen xeryo qaxooti oo ku yaalay Agabar, Laas Dhuurre, Biyo xidheenka (Hargeysa),  Saba-cad oo u dhow Dacar-Budhuq iyo Daray-macaan oo ku taal gobolka Awdal.

Khariidadda Xaaladaha Abaarta Bisha Abriil 2017

Qaybo badan oo ka mid ah dalka waxay guud ahaan ahaayeen qalayl bishii Maaraj 2017 oo idil iyadoo xaalado abaareed oo xad-dhaaf ah ay ku baahsanaayeen dalka qaybaha ugu ballaaran. Caadi ahaan roobabka Gugu waxay qaybaha Waqooyi Galbeed ka bilowdaan dabayaaqada Maaraj iyo bartamaha Abriil gudaha dalka intiisa kale. Roobab fudfudud ilaa kuwo dhexdhexaad ah ayaa laga helay gudaha Soomaaliland oo u fidsanaa shan maalmood gudahood. Xarumaha Boorama, Qolujeed iyo Gabiley ee gudaha Gobollada Awdal iyo Waqooyi Galbeed waxaa la diiwaangeliyey qadarka roobabkii ugu badnaa; 112mm, 65mm iyo 53mm mid mid ahaan. Qaar kale oo xarumaha la diiwaangeliyey roobabka xoogga leh waxaa ka mid ahaa Ceerigaabo (41mm), Dhubato (32mm), Abuuriin (33mm) iyo Hargeisa (23mm). Roobabkaan waxaa la filayaa in ay wanaajiyaan daaqa iyo carshinta, qoyaanka ciidda iyo biyo helitaanka waqtiga gaaban dhexdiisa.

<<<<AKHBAAR SIIDEYN – SABTEEMBAR 23, 2016>>>>

SWALIM waxay siideynaysaa warbixinta ugu dambaysa oo ku saabsan Gebiyo-jajabyo Webi Falanqayn daba socota masawirrada dayax-gacmeedkii ugu dambeeyey, qaar ay dhaw yihiin oo ay yihiin kuwii toddobaadkii la soo dhaafay (17 Sabteembar2016), SWALIM waxay siideysay farriin cusub oo ku saabsan xaaladda Webiyada Juba iyo Shabeelle ka hor roobab xilliyeedka Deyrta, kuwaas oo la filayo inay bilowdaan bartamaha Oktoobar (qiiyaas waqti saddex toddobaad ay naga xigto).Sida xogtu muujinayso, waxaa jira tiro badan oo gebiyo jajabsan ah ama jabab suurogal ah, oo kordhinaysa halisaha fatahaadda marka heerka webigu uu degdeg kor ugu kaco.

Sidee SWALIM u taageertay Digniin Hore iyo Diyaargarowga, El Niño

Ifafaalaha cimilada El Niño ee 2015 waxaa la saadaaliyay in uu noqonayo midka ugu xoogga badan oo ugu wax burburin badan taariikhda (eeg SWALIM Wargeyska cusub ee 9 May - Agoosto 2015). Sida la filayey saamayn aad u ba'an oo ay ku yeelato Soomaaliya, SWALIM waxay si adag uga shaqaysay in la-hawlgalayaasha horumarinta iyo maamullada Soomaaliyeed ay qaadaan xilli horeba olole diyaar-garow oo aan horay loo arag. Si ka duwan sanadihii hore, markaas oo daadad sababeen dhimasho iyo baabi’in dhul beereed, kaabayaal iyo xarumo sida dugsiyo, xaaladdu markaan waa duwaneyd sidii hore – waayo burburkii ayaa laga hortagey taasoo ku timid tallabooyin hore oo la qaaday. Inkastoo saadaasha El Niño oo xad dhaaf ah aysan weli ka soo banaan bixin  gudaha Soomaaliya, qayb badan oo ah sababta burburka kooban uu ku yimid waxay tahay dadaal waqti ku habboon ay sameeyeen SWALIM iyo la-hawlgalayaasha.

SWALIM Waxay Taageertaa Hawlaha Maareynta Kheyraadka Dabiiciga gudaha Soomaaliya

Dadka sida degdegga ah u badanaya gudaha Soomaliaya, oo ay weheliso dagaal ahli ah, waxay wadaan inay saaran cadaadid culus dhulka iyo deegaanka, taasoo keeneysa degdeg u yaraanshaha kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Xaaladda jirta waa mid aan sii jiri karin, oo keynaysa in kheyraadka lagula baxayo si deg deg badan inay ku soo kabtaan, oo horseedeysa in tartiib-tartiib ay u lunto hanti muhiim dabiici ah. Halista ballaaran ee haysata noolaha kala duwan gudaha Soomaaliya waxaa ka mid ah ka ganacsi isticmaal dhul, sida dhirta loo jarto soosaarid loox iyo dhuxul, nafaqatirid carro iyadoo xad dhaaf wax looga goosanayo, iyo isbedelo ku saabsan cimilada, taasoo keentay roobabkii oo yaraaday.